Saturday, November 27, 2010

Mid kamida Gabayadii Alla ha unaxariiste Cisman Adan Xuseen( Cisman askari) uu kaga qaybgalay Silsiladii caanka ahayd ee Deelayda la Odhanjiray

Maansadii  lamagacbaxday Ninka diiday waa kuma kana mid ahayd silsiladii caanka ahayd ee Deelayda la odhanjiray waxaa tiriyay Cisman Adan Xuseen oo kumagac dheer Cisman askari Ilaahay janadii fardowsa ha geeye isaga iyo walaalkii Yusuf  Adan Xuseen iyo intii muslimee dhimatayba…… Amiin. Wuxuu Cisman tiriyay gabaygan bishii labaad 1980 isaga oo jooga hargaysa, waxayna ahayd maansadii
labaad ee lagasoo tiriyo hargaysa xiliyadii ay deelaydu socotay. Inakastoo wakhtiga iyo waayaha maansadani lasocotay tagay hadana waxaa kujira baydad waaqaca maanta kamuuqda dhulkeena sifaynaya. Tusaale ahaan markuu abwaanku kahadlayo qabiilka waxaa kuu soobaxaysa in uu qabiilku duleedadeeniyo dashoodo suuqyada wadankeena.
deelayda furantiyo raga diirada usida
labadaba kudiirsadaye markii aan dareemaye
mudayse igadaahdoo sida daruurta roobkoo
dad abaari hayso dacalka ugu hoortay
dabaysheedu uraysee markii aydafsoo tidhi
sida haweenay da’a hoo daa’imo hore udhalin
tii yoo samir daacad ku ah
Alahii dam’imka ahaa ugudeeqay ubad wacan
deelayda curataan udabaldagayee dooyaysoo igudaa
damashii hargaysee murtidu sida dareemada iyo daadka ku ahayd
iyo dacaladeeda dhanbaa lagadirsanayaa
deeblaanu joognaa, duryaa lagawaramayaa
subulaha dushooda  dabku wali kabaxayaa
waxgarad waa dimoonyahay damanowna waa yeelkaa
xalay dumuumucaygii dariskii maseexane
niyo aan daboolo  dabaq adag kujidaan  ka siidayay xadhige
dagaalkeenu waa meel, waa dumin qabiilnimo iyo daalin kiiwada
deelaydu waa shikhe daran doorigii hore wiilal diiranbaa helay
dabayaaqo weeyee aniguna god aan dago
maansadan dalysanee abwaanadu kudeeqeen
sadex dow laka qaad,qaar doododu waa sax
waa hadalo dacada,doon dhaxalgala dadkuna wuu ubahnaa
qaar doododa uma bogin wax jiray dafirayaan
waa dabaalo joogtayn,waa dabada geed kumar
qabiilkii ladumin lahaa difaacbay ugalayaan
dangarase kaga xidhan
qaar maba dareensana waxa loo dan leeyahay
duhur dhidarka seexdee, galabtiina roob da’ay
onkodkii kadidayee dagdag ubodaye yidhi
sowta lagu dilay een dayin hareeraha
dulaato cararkii kadul dhacay hadamihii  miyuu kaa dumoonyahay
afartaa anaa dagay, way dadaaba  xidhantahay
gaadhbana dabayaal, inaan ku ilduufana damacyaanu kagalin
dafiraadu waa ceeb waa diidmo igadheed
waana doqon aqoonteed dulucdaydu waxay tahay
dib uraaca dariiwi dowgii lasoo maray daymooyoo maxaa yidhi
gumaysi daa warkiisaba, ninkudilay doc kuma dhigo
cadow kuuma diirnaxo, kama dayayo naxariis
tiiyoo dowlad aan nahay jiritaanku diiqgalay
dadku ay colobeen sokeeyuhu iswada dilay
danyar iyo walaalkii dugaaga isu loogeen
dalka inuu kacaan yimid,farxad iyo damashad
loogu wada dabaal dagay, caleemo dooga loo lulay
ninka diiday waa kuma
in qabiil laduugoo laguriday daluun dheer  inaga daaya la is yidhi
ninka diiday waa kuma
diraac mahada nabadee duda qaramowdee la isdhexdagay siduu yidhi
ninka diiday waa kuma
dadaalkii iyo waxqabadkii iskuduubni wada jira
oloyaal isdaba joog  tariikh aan duug noqon
baal dahaba lagu qoray ninka diiday waa kuma
sadexdaasi waa dalab waa dubaax qarsoonayd waa daribe iga hoo
doob heesaybaa yidhi, dumar dumar maguursado
doonyo isma qaadan  dab bakhtiyay madiirana
ana waxaan kudarayaa ayax meel haduu dago diiri way kadhalataa
daylo sumal xadkeedi deyro dhaf markay tahay ilmo dabayl ma wayde
waxaan uga danleeyahay daldalool inuu yimid deedna la isla haadhsaday
dilaal iyo malaal iyo dabagoosi jogaan darajana kuxidhanyihiin
ninka diiday waa kuma
inuu qabiilku daxal yahay dar xumiyo abaaryahay
qarankana udaranyahay, dibu dhaca ka kowyahay
ninka diiday waa kuma
qofba howshii lodiray dayacan inay tahay
kudanayso mooyee duugba aan la eegayn
ninka diiday waa kuma
duq maahmahaybaa yidhi anba duunyadaydii
dad la’aanta awgeed dibjirbay cidlo utahay
iyadoo dadkaygii duunyo yari daradeed daaduun uyahay caydh
dura halalaa baxay,maantaba dalkeenii inay dadabta yalaan
ninka diiday waa kuma
taa waxaa kasiidaran in qabiil ladoog dhabay
dolaale dheeryahay, dalxiiskiisu badanyahay
uu duledadeeniyo dashoodo suuqyada
oo duub xariiriyo loo tolo dirays wacan
dambiguu sameeyana kadaa aan la odhanayn
ninka diiday waa kuma
afartaa dhe deelay deg dhow dabaqad xoolo leh danyartii kaboobten
dulmarkeedu wuxuu yahay deelay waa sahay
waa dirir sabooleed,dabnahaygu waa hodan
waayo aragna waa doob  dulucdeedu waxay tahay
dowlad yaa xigtaystee dambarkeeda kaligii
doobiga u culayee umada udardaar warin
yay udoonantahayee dunta loogu xidhayaa
horta aan udaynaa
dadku haday usimanyihiin miyay dirir qabataa
dahab ninka qodayaa dalka horumarkiisu udadaal isleeye
danbigiisu waa maxay
sadexdaasi waa dalab waa dubaax qarsoonayd waa daribe iga hoo
geelenii dareeryoo gu oomanbuu dagay
ceelalyadii lasiidiray dooxiiba maytagin
biyihiisi maax dume, darkiina wuu kamadhanyahay
daba’a ragii lahayow  inaba ma udamqanaysaan
waa duluc ujeedo leh dooduna inoo furan
maxay dirirka cawleed damabarsamo wadagan
daawashadu maguulbaa, dagaalka iyo nabadana iyamay ladaris tahay
dalka inay hagajaan dadow yaad kasugaysaan maduulbaa inoo maqan
malaaigta duushee aan kadaahin howlaha  iyaga diyaare ma la inoodalbanayaa
jinka iyo dabaylaha miyaan diran karaynaa
sidii daain ugu huray deeqdii saleebaan
ma nabaa dambeeyoo aan diinta kuhaysanaa
wax isoo dayaayana miyuu damacu kaa galay
dulmarkeedu wuxuu yahay, damqashiyo xanuunkeed
dacadkiyo itaalkeed dulmi iyo dalaalkii
dagmo iyo dugaageed dibir iyo durduradii
danyar iyo dagaalkeed durmad iyo dabqaadyada
deexashada abwaanada qofkastiyo dareenkii
haday caana dataan dabadood laqabayaa
Dhamaad

No comments:

Post a Comment